Hogaamiye Mise Madaxwyne? Abdishakur Gande

              Hogaamiye Mise Madaxwyne?

Kala duwanaashaha  Hogaamiyaha Iyo Madaxwaynaha.

             +++++++++++++++++++++++++



                  







   Q: Abdishakur Gande

                     -----------------------------------

Hogaamiye (Hage) & Madaxwayne (Horjooge).

-------------------------------------------------------------------------

#Hordhac.

-----------------

Su'aal: Dalkaagu Ma Wuxu U Baahan Yahay Madaxwayne Horjooga Mise Hogaamiye Haga?

-----------------------------------------------------------------------

Hogaamiye (Leader). Madaxwayne (President).

-------------------------------------------------------------------------

"A Leader Is One Who Knows The Way, Goes The Way, and Shows The Way" -Jorn C. Maxwell-

Hogaamiye Iyo Madaxwayne waa labo sifo oo kala duwan. Hogaamiye kastaa wuu hagi karaa dal & dad uu hogaanka uhayo. Lkn mdaxwayne kastaa ma hagi karo dal, dan & dad uu xukumo.

Hogaamiye waa haybadle Rabi hibo siiyay iyo mid cilmiga hogaaminta barta. Madaxwayne wa nasiible fursad kuhela xukun Ama awood ciidan

Hogamiye kasta wuu noqon kara Madaxwayne balse Madaxwyne kasta ma noqon karo hogaan

#Hogaamiye (Hagge).

------------------------------------

Hogaamiyuhu waa midka awooda ama haybada u leh hagida dal ama dan. kuna hagaya hilinka wanaagsan ee horumarka. Isagoo leh himilo uu kala siman yahay ama dheer yahay dadka, dalka iyo inta uu hogaanka uga yahay dantuu hagayo. Sidookale leh; la kaashi, la tashi iyo hab gaar ah oo uu ku hagayo hawlahuu masuulka la yahay.

Hogaamiyuhu, wuxuu leeyahay awooda jihaynta wanaagsan ee dadkiisa. Kaasoo jeexa Jid cad oo jiilasha danbe raaci karaan.

Hogaamiye, waa midka leh rabitaan la mid ah rabitaankii shacabkiisa ama meel kasaraysa.

Hogamiyuhu, wa mid shacabkiisu ku qanacsan yihiin hanaankiisa maamul & halka uu ku wado.

Hogaamiye waa midka hawl ama dal ka qaadi kara halka hoose gaadhsiina kara heego sare. Hogaamiye, waa midka leh karti uu ku kasban karo dadkiisa ama uu kaga gudbi karo caqabad.

#Madaxwayne (Horjooge).

-------------------------------------------

Madaxwayne kasta oo dal laba mid uun buu noqon karaa. 1. Mar wuxu noqon karaa Hagge Hogaamiyaha aynu kor ku xusnay. 2. Wuxuu noqon karaa Madaxwayne Horjooge dal uun ah.

Madaxwaynaha horjooge ah. Waa Madaxwayne mudoxileed awood sharci &mid ciidan midkood ku haya xukun. Kaaso lahayn karti hawlkarnimo iyo haybad uu ku horumarin karo hawlaha uu masuulka ka yahay.

Waa Madaxwayne aan shacabkiisa ku qancin karin hab aamulkiisa ama halka uu ku wado.

Madaxwaynaha aan Hogaamiyaha ahayn wa sida; Alifle ama waxa af talyaniga lagu yidhaah "Cape De Class" oo ah horjeega fasal, koox ama wadan. Kaaso u aburnayn dhisid nidaam fiican.

Madaxwaynaha horjooge waa mid ka madhan hanaan maamul wanaag & maamul daadejinta waana mid awooda iyo hawlaha shaqo kaligii isku kooba. 

#Tusaale.

----------------

Marka laga hadlayo Hogaamiye (Hagge) waxa sumad u ah Madaxwayne dalka Rwanda Poul Kagame oo aynu ka dharagsanahay halku kaso qaaday dalkiisa iyo halkuu soo gaadhsiiyay.

Dhanka kale, Madaxwaynahii Yemen Cali Cabdala Saalax ee xukumayay ilaa 30 sano misana hoos u dhac mooye aan abuurin talaabo muuqata oo horumar la taaban karo. Kuwaasi ayaa lakala odhan karaa ama lagu kala sifayn karaa #Hogaamiye Iyo #Madaxwayne .

#Gunaanad

-------------------

Madaxwayne kastoo dal dimuqraadi ahi kuma yimaado rabitaanka shacabka balse wuxu ku yimaadaa kala doorashada sadex murashixiin xisbiyo ukala taagan kuwaasoo u tartamaya xukumida malayiin ka aqoon, karti, daacadnimo iyo haybad hogaamineed ay dheer yihiin Madaxwayne nasiib u helay kala doorashada murashaxiinta xisbiyada. Madaxwaynahaasi hadaanu haybad iyo aqoon hogamineed lahayn ma hagi karo qaran shacabkuna wuu ka horyimaada ilaa uu xukunka dhaafo ama awood ciidan Shacabka ku cabudhiyo mooyee.

Hogaamiyaha hibada ama haybada iyo hawl-nimada lihi wuxuu kasoo dhex baxaa malaayiin dad ah isago jaranjarada uu kudalaca tahay in uu hadba hawshuu qabto halka hoose kasoo qaado, horumarin Shakhsi iyo guud oo uu sareeyo iyo soojeedinta talada wanaagsan ee aanu awooda u lahayn go'aan fulineed.

#Gabo_gabo.

---------------------

Muhiimadu waxa weeye shacab kastaa wuxuu dalkiisa hogaamiye ugu helaa u diyaar garawga iyo lahaanshiyaha hiigsiga horumarka. Kaasoo ay xiliyada doorashada ay tahay in ay doortaan Hogaamiyaha wadankooga balse aanay dooran Madaxwaynaha wadanka xiliga doorashada Madaxtooyada.


Abdishakur Gande 

Gandeabdishakur@gmail.com 

Hargaysa, Maroodijeex Somaliland.

Comments

Popular posts from this blog

Hadaad waalidka kudhalay umahad celin lahyd side ugu mahad niqi lahayd? Q: Abdishakur Gande

Xilku Waa Fursad Qofku Ku Hirgasho Hiigsiga Umaddeed Ee U Baahan Igmasho Doorasho. Q: Abdishakur Gande

Shakhsiyada Iyo Masuuliyada. Q: Abdishakur Gande