Posts

Showing posts from April, 2019

Xilku Waa Fursad Qofku Ku Hirgasho Hiigsiga Umaddeed Ee U Baahan Igmasho Doorasho. Q: Abdishakur Gande

Image
Xilku Waa Fursad Qofku Ku Hirgasho Hiigsiga Umaddeed Ee U Baahan Igmasho Doorasho. Q: Abdishakur Gande  +++++++++++++++++++++++++++++++++++ بسم الله الرحمن الرحيم W/Q: Abdishakur Gande --------------------------------------- Wadaniyada ayaa ah waajibaad muwaadin walba faraysa Xil ka saaran wadankiisa. Balse, Xilka ugu warama wayn baa ah igmashada ama magacaabista Madaxwayne uu masuuliyad sharciyan ah oo shacabka u hogaamisa qofka Madaxwaynahu igmaday. Sidoo kale, qofkaasi loogu hagaagayo xisaabtan uu ku muto abaal marin iyo ciqaab sharciyeed waafaqsan hadba siduu u guto xilkuu qaranka u hayay. Xilka ama masuuliyadu ma aha wax sahlan oo si sahlan lagu doono haddaanad isu garanayn in aad qaadi karto ama aad tahay qof qarankan in uu xil u qabto wax usoo kordhinaya. Taasi waa sababta maqaalkan keentay. . Mudane Madaxwayne, Waxa duurka & dibada ka jooga xukuuumadaada & dawladnimada ba halyayo hibo & hawlkarnimo leh balse hirdiyeen rag nasiib u helay inay hareertaad