Posts

Showing posts from August, 2021
Image
  Dadka aan hareertaada taagnayn ama aydaan ka sinayn heerka garashada iyo hiigsiga heegada sare ma arki karaan waxa adiga kuu muuqda iyo halka aad u socoto, taasina waxa xukuma heerarka kala saraynta garashooyinka iyo kala horumarsanaanta hadba halka aad kala joogtaa. Halbeegyada garashada dadka ayaa waxa kamid ah in ay dadku hoos u dhac iyo haacoo kuu arkaa xiliyada aad ku jirto halganka nolasha iyo xeeladaha horumarkaaga. xaqiiqadu waxay ku faraysaa in aad isbedel samayso, xataa hadaanay dadku ku qanacsanayn waxa aad doonayso, ilaa aad ka xaqiijiso rabitaankaaga. Dadku waxay noqon doonaan kuwo ka marag kaca halgankaagii iyo goobjoogayaasha guushaada u sacabo tuma. Nolasha in aad meel uun ku nagaataa maaha guul xataa haddii aad ku haysato sharaf, maal IWM. Waayo waxa ka mudan ama ka wacan in aad meeshaa ka tagto adiga oo raadinaya ama doonaya in aad meesha meel ka saraysa gaadho. Taasi waa hilinada dadka guusha haybsadaa ay heegada ku gaadhaan. Waayo horumarka ayaaba ah talaabo hore