Qiso. Abdishakur Gande
Ma garanayo sababta iyo nooca aan Ingiriiska ku imi. Balse waxa aan jooga London. Gaar ahaan xaafad aad moodo in dadka dabaqada sare ahi ay ku nool yihiin meeshuu waa meel beer ah oo dad ay qaninimadu ka muuqataa fadhiyaan. Dadkaa waxa kasoo hor jeeday ilaa afar qof oo iyagana uu ka dambeeyo qasri aan ku qiyaasay in uu yahay guriga England ugu quruxda badan misana ugu qaalisan. Waxaan hore ugu socday gudaha beerta ay dadku fadhiyaan labiska aan xidhanahay waa labiskaygii hargaysa waxa aan taa ku ogaaday markii aan maqlay nin gacanta taagaya oo leh "shan iyo sodon Milyan" madaxa ayaa ruxay mise cabaar ilaa daqiiqad gudaheed ah mid kalaa leh "Shan iyo afartan Milyan"!!! Cajiib. Aniga waxa igalay xishood ninkaygan rajada nolasha cusub ee uu soogalay mooyee aan taanada hayn ee waxan oo lacag ah maqlaya. Waxaan si dhakhso ah isku waydiiyay waxa meesha kajira waxaan ogaaday in meesha lagu naadinayo ama lagu iibinayo gurigan Xoogaa kabacdi waxaan arkay askar dhankayga u