Shakhsiyada Iyo Masuuliyada. Q: Abdishakur Gande

 .         Shakhsiyada Iyo Masuuliyada.

           ++++++++++++++++++++++++++

    بسم الله الرحمن الرحيم Abdishakur Gande 

   -----------------------------------------------------------------------


Shakhsiyad & Masuuliyad waa labada qaybood ee qofku uu ka kooban yahay. 

Qabaababka qofnimada lagu qiimeeyo aya ah labadan qayb 1. Shakhsiyad & 2. Masuuliyad.

Shakhsiyadu waa waxa qofka waxba lagaga sheegi karin (Dhaliil) marka lagula xisabtamayo masuuliyada. Masuuliyadu, waa waxa qofka aan u ogalaan in uu shakhsiyan u adeegsado xilka masuuliyad ee uu umad u hayo.

1. Shakhsiyad.

 ------------------------

Shakhsiyada qofku wxy ka kooban tahay: dhaqanka, akhlaaqda, labiska, iyo wax lamida.


Shakhsiyadu, waa qaybta qofku kaga madax banaan yahay: qiimaynta, dhaliisha, qolada iyo wajibka ama masuliyada qofka lootiriyo iyo wax lamida.

2. Masuuliyad

-----------------------

Masuuliyadu, qafku waxay ka kooban tahay, Xilka, hufnaanta, Aqoonta, hogaminta iyo wax lamida. 

Masuuliyadu, waa qaybta qofku kaga madax banaan yahay: geesinimada, deeqsinimada, bulshaawinimada, xidhiidhka iyo wax lamida. 

Xidhiidhka Shakhsiyada Iyo Masuuliyada!

-------------------------------------------------------------------

Xidhiidhka shakhsiyada iyo masuuliyada ka dhaxeeya ah jiritaanka qofnimada. Maadaamo qofnimadu ka koobantahay labadaa nooc.

Qiimaynta Qofka.

----------------------------

Qiimaynta Qofka Shakhsiyadiisa & Masuuliyadiisa.

Shakhsiyada qofka waxa lagu qiimayn karaa la dhaqanka qofka. Masuuliyada qofkana waxa lagu qiimayn karaa xil udhiibashada. Qofku isagoo shakhsi ahaan u fiican ayuu masuuliyad ahaan uliidan karaa ama shakhsiyad ahaan diciif u noqon karaa marna labada isku si u noqon karaa.

Dadka qaar baa qaba in Qiimaynta qofka laga maarmaan u tahay kala qaadista shakhsiyada iyo masuuliyada. Halka qaar kale ay qabaan in qiimaynta qofku thy mid kaliya oo ah qof uun.

Soomalida marka gole la iskugu yimaad ee qof wayn iyo qof yar kulmaan waxa la qiimeeyaa qofka wayn oo tiisa la qaata. Marka dib loo xisaabtamayana ilaa qofkii yaraa ee talada u joogaa loo qabsadaa wixii halka lagu gaadhay.

Dhanka kale, marka la qiimaynayo qof buuxiyay shuruudaha masuuliyada aya waxa lagu reeba shakhsiyada. Tusaale: qofkaa waa karti badan, hufan, waxaa aqoon ule, waayo araga LAAKIIN waa qof dabeecad xun, waa qof da" yar, waa qof bila aqoon ah waa qof dhaqan sidaaya. sidaadarteed joojiya. Waxa qofkaa lagu reebayaa waa shakhsiyada. 

Qiimaynta caynkaasi ahi waa halkii uu AHUN Abwaan Afgudhiye uu lahaa:

~Nin libintaada xaasidaaya,

Laakiinta ma xoojin waayo..~

Wa shakhsi fiican LAAKIIN masuliyada malaha.

Tuduc suugaaneedkaasi ayaa xambaarsan in qiimaynta qofnimadu la isku qaado. Halka tusaalaha hore uu ka marag kacayo in qiimaynta qofnimadu laba nooc loo eego.


#FG: Hadaba su'aasha aan idinla wadagaya ah:

1. Sidee bay guusha qofka saamayn ugu kala leeyihiin Shakhsiyada Iyo Masuuliyadu?

2. Waa qof nooceya Shakhsiyan & Masuliyad ahaan qofka u guulaysata?

Sixid & wax kordhinba waad ila wadaagi karta.


Abdishakur Gande 

Mr. Abdishakur Gande 

Abdishakur M Hassan 

Gandeabdishakur@gmail.com 

Abdishakurgande@gmail.com

Boorama, Awdal Somaliland.

Comments

Popular posts from this blog

Hadaad waalidka kudhalay umahad celin lahyd side ugu mahad niqi lahayd? Q: Abdishakur Gande

Xilku Waa Fursad Qofku Ku Hirgasho Hiigsiga Umaddeed Ee U Baahan Igmasho Doorasho. Q: Abdishakur Gande