Hadaad waalidka kudhalay umahad celin lahyd side ugu mahad niqi lahayd? Q: Abdishakur Gande

 Hadii Alle Idooradsiinalaha Qofkaan Noqonayo Wxn Dooranlaha Qofkan Ahy Abdishakur Gande

+++++++++++++++++++++++++++++++++++



Hadaad waalidka kudhalay umahad celin lahyd side ugu mahad niqi lahayd? Q: Abdishakur Gande

--------------------------------------------------------------------------

Isniin 05-September, waa dharaartuu allah iga dhigay qofjira ahna noole karaamaysan, kadib uunkida eebe uurka hooyo igu unkay, igana dhaliyay waalid wanaagsan. waalidkaygaan ku noqday islaamka if & aakhiro amaanan. waalidkay wuxuu igu barbaariyay dhaqan-san, akhlaaq, ixtiraam iyo barista aqoonta diini iyo maadiga aan maanta maalo ama kumeel maro.

Anigu, wax doorasho ah Kuma lahayn qaabka nolasha dhalashadayda diineed, jinsiyadeed iyo qoomiyadeed balse allah baa iidooray. Dhaqankayga, garaadkayga iyo wax walba oo muuqayga & maskadayda ka mutaxa waa barbaar sidadarteed hadii qofka aan noqonayo doorasho uyeelan lahaa waxaan dooran lahaa qofka aan imikaba ahay (Abdishakur) waayo waa ku qanacsanahy kuna faraxsanahy qofnimadayda. Alxamdulillah. 

Isxulashadii waalidkay waa mid kamida kuwa ugu mudan ee nolashayda mahadiyo waayo waxaan ku koray jacaylkooda, ilaa imikana ku noolahay xusuusta barbaarintaydii boqranayd. Iyo kalgacaylkooda. Waalidkay waxaan ka dhaxlay wax aanay aadamaha kale siinin oo ah  kalsooni waayo anigay i aaminaan xataa haday  iga soo horjeestaan kumanaan kale, Sidookale waxaan waalidkay kahelay walaalo, Ehel iyo xigaal xushmadiyo sharaf badan waxaanan ka dhaxlay sharaf iyo magac ka manfac badan maal iyo duunyo. Sikaste ha ahaate sida aanan ugudi karin xaqooda ayaanan uguwada camal falin caqligii iyo cilmigii ay igu cabqariyeen waayo kolay aadame waa kuwa ilowshaha ee xataa wuxuu waynuhu u uumay wada oofinin balse nolashaydu waa mid kuqasban ilaalinta hal-abuurkii waalidkay iyo waalidiinteena.

Waxaan sigaara u mahadinayaa inta nolol wadaaga aanu nahay ee adigu kamidka tahay ee aan nolasha quruxda badan laqaatay xataa haday saacad kayarayd, waxaan jecelahay in aan waalidkay ugu mahadceliyo ereyo ka mug wayn mahadsanid balse ereyadaasi qoraal uma hayo dareen aan ku muujiyo maahe.

Waxaan markaste naawilaa cafiska eebe iyo dadka ba. sidaad iiga xorta tihiin ayaad saamax iiga tihiin ogaal iyo mooganaan.

Waxaan adiga, aniga & intakaleba unaawilaya nolol ka cimri, cafimaad & khayr badan nolashi hore hadii rabi raali ka noqdo.

Abdishakur M Hassan (Gande )

Comments

Popular posts from this blog

Xilku Waa Fursad Qofku Ku Hirgasho Hiigsiga Umaddeed Ee U Baahan Igmasho Doorasho. Q: Abdishakur Gande

Shakhsiyada Iyo Masuuliyada. Q: Abdishakur Gande