Suugaanta Abwaan Afgudhiye 1963-2018 . Mr. Abdishakur Gande

Suugaanta Abwaan Afgudhiye 1963-2018 .

17 March 2019 ·
------------------------------------------------------------

Mr. Abdishakur Gande

Gandeabdishakur@gmail.com
AbdishakurGande@gmail.com
634200882 and 634454882
Borama, Awdal Somaliland.

Q: Abdishakur Gande
---------------------------
FG: Fadlan Ka Qayb-Qaado Ururuinta kaydinta Sugaanti Hal-abuur AHN Abwaan Afgudhiye.
---------------------------------------------------------------------------------------------------------------------

Ø  Dhaxalka AHN Axmed Siciid. Diiriye (Af-gudhiye)
-------------------------------------------------------------------

Milicsi / Halacsi

Ø  Badh kaa maqan ruuxa haysta;

Ø  Badh uu tebayaa ku raacay!!!!

Abwaan Axmed Siciid Diiriye Af-gudhiye!
------------------------------------------------------------------

Abwaan Axmed Siciid Diiriye, (Af-gudhiye), waxa uu geeriyooday January 2018 kii. Soomaalida sirta ereyga uu Ilahay qayb waafi ah ka siiyay buu ka mid ahaa, galaddaas eebbe ku manaystay na, si yaab leh buu u muujiyay 55 kii sanadood ee uu jiray. Markaad suugaantiisa dhex gasho waxad is odhanaysa waa hogaanki hal-abuurka sugaanta. Maansada qurux badan, oo nooceeda oo kale na aan cid hore ka hayn, waa miduu kula hadlay nin ay xil isku lahayeen. Sida muuqata wuxu ahaa qof ay lexejeclo ka hayso, oo Hadana uu xoog u saluugay. Wuxu si suuganaysan u dabaqay odhaahdii ahayd – ku habaari maayo, oo igama go’did, kuuna ducayn maayo, oo igama mutaysanin.

Tuducyo uu u falkiyay qaab laba laba ah, ayuu si xariifnimo ah ugu tilmaamayaa dhaliil uu si cad u qayaxay, oo Hadana si u sarbeebaayo. Anshax yaab leh iyo ilbaxnimo saraysa ayaa ka muuqda qaabka uu u dhigay, waxaana ila quman in wax laga barto. Waa xadaarad dadka beeratada ahi ay dheryihiin Soomaalida geel-raacatada ah, waxaana xasuus mudan gabaygii Ugaas-nuur oo ay Afgudhiye isku deegaan ka soo jeedaan, kaas oo ku salaysnaa mabaadiida waxa maanta loo yaqaano dhaqanka dublamaasiyadda casriga – conduct of modern diplomacy.

• Ehel lama jaree kaanu nahay, ul iyo diirkoow b’a.
• • In kastoon markay nagu adkayd, aad isugu niilay.
• Oo loo arxami jiray midkay, liicdo adhaxdiisu.
• Ayaantaad ladnaatiyo ilaa, eegga laga joogo.
• Boqol jeer nimaan aaminoo, eeday baad tahaye.
• Ha yeeshee anoo taa ogsoon, aahda igu reebtay.
• Uu urugo ciil badan falkaa, igu asqaysiiyay.
• Kuma odhan inkaari ha dishiyo, qabo ilaahoowe.
• Waxaan idhi nin aaqilo galaa, aayatiin ma lehe.
• Kuma odhan Abaal laawiyo, waa inkire jaane.
• Waxan idhi ayaantuu dharguu, shalay ilaawaaye.
• Kuma odhan abaan reer ahiyo, waa aw qabiili ah.
• Waxaan idhi intooduu ogyahay, wuuna ururshaaye.
• Kuma odhan bakhayl oodan iyo, waa ableel madhan'e.
• Waxaan idhi ujeedo is tusuu, ku adinno fiiqaaye.
• Kuma odhan islaamkiyo xaqay, kala irdhoobeene.
• Waxaan idhi miyuu aayadaha, qaato amarkooda.
• Kuma odhan indheer garataduu, ka ag fogaadaaye.
• Waxaan idhi aqoon liituhuu, oday ka yeeshaaye.
• Kuma odhanin waa inan gumeed, iriqyo fiicnayne.
• Waxaan idhi astaamihii gobtiyo, aynigii ma lehe.
• Kuma odhanin uus aaste iyo, waa ugaadhsade'e.
• Waxaan idhi ninkaan ka indho rogan, iilka laga dhawrye.
• Kuma odhanin iimaha ku yaal, waa intaa tiro'e.
• Waxaan idhi sidaan kuu aqaan, uunku kuu baray'e.

Ilaahay ha u naxariisto Af-gudhiye.

----------------------'xxxx-----------------


.
Sagaalka Nooc Ee Ragga
+++++++++++++++++++++

Q: Abdishakur Gande

#Contact:
Abdishakur Gande
Gandeabdishakur@gmail.com
AbdishakurGande@gmail.com
634200882 and 634454882
Borama, Awdal Somaliland.
-----------------------------------
Sagaalka Nooc Ee Ragga & Sifooyinkooga.
••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••••
Hal-abuurkii Waynaa Ee Rabi Hibada U Siiyay Hindisaada Maansada, Heesaha, Hawraarta, Halaburka, Erey-bixinta Iyo Hal-haysyada. AHUN “Abwaan Afgudhiye” Ayaa Sagaalkani Haybood Raga U Kala Horay.
--------------------------------------------------------------------
1. Maqan haybiye, 2. Hellaa dhaqe, 3. Hagid yaqaan, 4. Tiro lagu hel, 5. Humaag ku qanac, 6. Hadal ku qanac, 7. Hoo ku qanac, 8. Ceeb-hilaab, 9. Hangool.


Sagaalkaa nooc oo micnayaal kala duwan leh. Sadex waxan ku micneeyay "Rag, ragga balse dhamays ahayn waayo “Nimaan hal seegayn Hooyo ma dhalin". Iyago nin ba meel ku wacan yahay. Sadexdaa oo yar iyo lix dadku u badan yihiin oo kala ah. Mid waxba matare ah oo iska nool. Mid la adeegsado marka dan la leeyahay la tabo. Sadex han yaro wuxun ku qanca ama mafishta keen ah. Mid ceeb u nool ah oo xeerin sharafta.
.
1• 
#Maqan_haybiye : Waa nin Hogaamiye ah oo leh haybin gama aragti fog.
2• 
#Hellaa_dhaqe : Waa nin Maareeye ah oo awood u leh maaraynta dhaqaalaha.
3• 
#Hagid_yaqaan : Waa nin Maamul ah oo leh caqli wanaagsan oo uu dal iyo dad ku hogaamin karo.
4• 
#Tiro_Lagu_Hel: Waa nin waxtar & waxyeelo lahayn oo marka dad latirinayo la xusuusto layidhaah hebelka kudara.
5• 
#Humaag_ku_qanac: Waa nin ku qanca muuqa arag uu xaqiijin karin hadh iyo hoosiis midkuu yahay.
6• 
#Hadal_ku_qanac: Waa qof wixii la yidhaah qaata oo ogaan karin waaqaca iyo xaqiiqada.
7• 
#Hoo_ku_qanac : Waa nin wixii lasiiyo uun qaata oo wuxuu xaqa ulahaa ridan karin.
8• 
#Ceeb_hilaab: Waa nin aan waxtar lahayn ceeb uusoo hooyo mooye.
9• 
#Hangool: Waa nin marka dan laga leeyahay uun la adeegsado oo mar kale la maamuusin.
.
Marka ragi sagaal midab yahay. Anigu kaa ahay waan is-gartaa kkk. Bal adna...? Kee tahay?
.
#Contact:
Abdishakur Gande
Gandeabdishakur@gmail.com

AbdishakurGande@gmail.com

 634200882 and 634454882
Borama, Awdal Somaliland.
.

#SocialMedia https://twitter.com/AbdishakurGand1?s=09 https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=1178571282314644&id=100004853504205
https://www.linkedin.com/in/abdishakur-gande-41a06a167
https://www.youtube.com/channel/UCqtH_UPTf1HrLsTo8kYIUnw
.
-------
Geedka aad salkii jari
Dadka saaran guradii
Waxad seexda ugu tidhi
Show siyaasi baad tahay

Abwaan Afgudhiye AHN (Maansada Siyaasi)

------'xxxx

• Nin xil qaaday eed qaadye kaan aayahaw xulannay
• Een xamilka saarnow dadkii xadhigga kuu dhiibtey
• Waxay kugu xantaan inad xigtiyo xayn yar korisaaye
• Inanad gaar cidnaw xanannin bay kugu xariiraane
• Xunxun iyo waxay kugu xantaan gaalo dabo xiine
• Xaafidul Qur'aan diiniyey kugu xariiraane
• Ma xisaabtamey kugu xantaan xaalka jira mooge
• Xeegada nin aad ula socdey kugu xariiraane
• Bilaash xayte waxay kugu xantaan gaabsha xawliga e
• Xawaaraha nin dheeraynayey kugu xariiraane
• Kursi xoog waxay kugu xantaan sheeko xubin weyne
• Nin dadkiisu taajka u xidhey kugu xariiraane
• Xabaal nololiyey kugu xantaan xaaqay aadmiga e
• Xabad nugule xamasta u tudhey kugu xariiraane
• Xulad ololiyey kugu xantaan xaabo baas shida e
• Nabad ku xamde xuuraan nacay kugu xariiraane
• Xagliyiyo waxay kugu xantaan xag u janjeedhaaye
• Inaad eexo xaasha ka tahey kugu xariiraane
• Xuntamiyo waxay kugu xantaan reer u gogol xaadhe
• Nin xiskii qabiil laga xaley kugu xariiraane
• Xodxotiyo waxay kugu xantaan xamar u sii jeede
• Nin xaggaaba daymoonnin bay kugu xariiraane
• Kacaankii waxay kugu xantaan xididdadiisiiy
• Xisbigaa ninkii dumiyey bay kugu xariiraane
• Nin xanaaq dhow bey kugu xantaan on xammilin eede
• Nin xorriyatul qawlka oggol bay kugu xariiraane
• Waxba yaan xujiyo yaab warramin boogo xadantayne
• Xaqiiqdana ka sheekayn haddey niman xali hakayne
• Xog ogaalna waayaha u noqon eedda xaabsadaye
• Xumaan iyo samaan tii u rabo labada xaaloodba
• Xag kastaba masuulka u xorow xiisad baa shidane • Maxaa xala xarraantoo bulshadu waa xakama goyse ?

• AHUN Abwaan Af-gudhiye


#Contact:
Abdishakur Gande
Gandeabdishakur@gmail.com
AbdishakurGande@gmail.com
634200882 and 634454882
Borama, Awdal Somaliland.
.
#SocialMedia https://twitter.com/AbdishakurGand1?s=09
https://m.facebook.com/story.php…
https://www.linkedin.com/in/abdishakur-gande-41a06a167 https://www.youtube.com/channel/UCqtH_UPTf1HrLsTo8kYIUnw

-----------xxxxxxx------------------

• Dadnimiyo xanli'i iyo
• Xayaatada libteediyo
• Xaqdhawr iyo karaamiyo
• In lagaa xishoodiyo
• Adoo raba xurmiyo sharaf,

• Xeel-xeelli ha ahaan!
• Xalli-waalli haw socon!
• Aduunyada ha xayn rogin!
• Ha jeclaan xodxodeheed!
• Ha ka tegin xarragadee
• Ula soco si xeeldheer!

• Waa xaadsi noloshuye
• Xagga hoose ha u degin!

• Xirfad maaha beentuye
• Afku yaanu kaa xadin!

• Xaqiiqada ha gees marin
• Xaqa adiga oo garan
• Xaggaad eegtay haw deyin!

• Ninka raga ha xaasidin
• Hana noqon xamaalkii

• Ka digtoon xakamihii
• Xayndaabka haw gelin
• Ha tixgelinin xeerkii
• Hadaan taadu ku xidhnayn!

• Xawaaraha ha dheerayn
• Xawliga ha gaabnayn
• Xadi socod ha moogaan!

• Waa xaal aduunyoo
• Ma xulaanji weydee

• Marka lays xasaradayn
• Hadalada xusuusta leh
• Si xumaana haw odhan!

• Hadii lagu xil saaro
• Wax-yaqaan laguu xilo
• Lagu moodo xamil qaad,
• Xandhashaa la eedoo
• Hadba gacan xaraystiyo
• Bilaash xayte ha ahaan!

• Xurguf nimaad lahaydeen
• Ku xumeeyey beri hore
• Raran xabadka kuu dhigay,
• Halkuu xoogga ku lahaa
• Haday dani xoortoo
• Nabsi xuurto geliyuu
• Gondahaaga ku xidhxidho,

• Ha xasuusan waayoo
• Ha ka xiganin tiisee
• Burcad ugu xiddeeyoo
• La xabiib ha yaabee!

• Marka xulafo-xulafiyo
• Xer-xer loo qoqobanyahay,
• Xaaquhu gantaal iyo
• Xabbad iyo rasaas iyo
• Golxab laysku xaabshiyo
• Xoog keliya maahee,

• La xarbiga garaadkaa
• Naf la jaro ka xeeldheer...!!!!!

Allah Ha U Naxariistee
Axmed Siciid Diiriye Af-gudhiye


#Contact:
Abdishakur Gande
Gandeabdishakur@gmail.com

AbdishakurGande@gmail.com
634200882 and 634454882
Borama, Awdal Somaliland.
.
#SocialMedia https://twitter.com/AbdishakurGand1?s=09
https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=1178571282314644&id=100004853504205
https://www.linkedin.com/in/abdishakur-gande-41a06a167
https://www.youtube.com/channel/UCqtH_UPTf1HrLsTo8kYIUnw

------------------------xxxx

• Haddaan han yaraan lahaa
• kor baa la ii hayn lahaa
• haddaan habrashada aqaan
• dadkaan u horrayn lahaa
• xaqayga haddaan ka hadho
• waxan heli laa mid kale

• hagaagaan doonayaa
• hayaanka dib ii dhigee

• naftaydaay hoos u hadal
• haye-da baro iyo qushida
• heshiis la ahow waqtiga!!

Abwaan Af-gudhiye AHUN

#Contact:
Abdishakur Gande
Gandeabdishakur@gmail.com

AbdishakurGande@gmail.com
634200882 and 634454882
Borama, Awdal Somaliland.
.
#SocialMedia https://twitter.com/AbdishakurGand1?s=09
https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=1178571282314644&id=100004853504205
https://www.linkedin.com/in/abdishakur-gande-41a06a167 https://www.youtube.com/channel/UCqtH_UPTf1HrLsTo8kYIUnw

-----------xxxxxxxxxx

Heesta Kalgacaylku Waa Ciidan

Kalkacaylku waa ciidan

• Waa cugaha soo doora
• Ruuxii caqliga deeqa

• Naxli maaha cadhadiisu
• Cabbaar laabta kuma raagto

• Waa culay qalbiga miira
• Waa caano iyoo nabaad

• Waa gobiyoo caadkeede
• Intaan soo rogaal calinoo
• Aan casuunnoo labadeennuu.

• Kalkacaylku caan weeye
• Waa calafka sahankiisa

• Waa caleema saarada
• Ruuxa u cuntama maanka

• Cafis weeye dhaqankiisu
• Cambaareyni kama yeedho
• Waa culay qalbiga miira

• Waa gobiyo caadkeede
• Intaan soo rogaal celinoo
• An casuunno labadeenu

Codkii Ruun Xaddi Sabban
Abwaan Af-gudhiye AUN
-----------------xxxx

• Ayaamo is qoonsadaan
• Amaah kala siinayaa,

• Ammaano ka raagtay baan
• Inteeda yaboohiyaa,

• Aqoon meel weyday baan
• Murtida ku ulaynayaa,

• Ayaan daran baan markale
• Iinteeda u sheegayaa,

• Adduun gobi samirtay baan
• Ilayska u daarayaa.............

Alloow kuu naxariiso Abwaan Af-gudhiye

--- Mahadsanid ---

Tuducyadan Uu Mariyey Abwan Af-Gudhiye H. Xirsi Mow Tabisaan.

"Markuu amarkaagu yaaka
Ka wisiisi usoo amaahdo.

Markay anfariirku dhaygag
Fajaca ku abeed yidhaahdo.

Markay umalka iyo ciilka
Wax yeeladu ka ashkatooto.

Markay urugadiyo taaha
Masiibadu ay ku oydo.

Markay aragtida sokaysi
Ta dheer ogolaani waydo.

Markay carabka iyo uurka
Afkaartoodu is khilaafto.

Markay qof u jeedo leexsan
Siduu doona u ahaato.

Markay xaqqa eheladiisu
Af-haysi ku maaro waydo.

Markuu qof xumaan arkaayi
Wax sheegga ka aamusnaado.

Markuu ubadkaad rabaysay
Naftaada ku eedanaado.

Ahaatay dhammaad aduunne
Xaqqiiqadan aadisteeda
adkaysi ha loo lahaado."

AHUN
. ABWAAN ( AF-GUDHIYE).

------
SILLAN SUGAN
Kuma odhan waa inan gumeed aan iriqyo fiicnayne
Waxan idhi astaamihii gobtiyo aynigii malehe
Kuma odhan abbaan reer ahiyo waa aw qabiiliyahe
Waxan idhi intooduu ogyahay wuuna ururshaaye
Kuma odhan abaal laawe iyo waa inkire jaane
Waxan idhi ayaantuu dharguu shalay ilaawaaye
Kuma odhan bakhayl oodaniyo waa ableel madhane
Waxan idhi ujeedo istusa buu ku adin fiiqaaye

Xigasho: Abwaan Afgudhiye "AUN"

---------
. AHUN Abwaan Af-gudhiye.
--------------------------------------------
Maanso kamida maansooyinkii ugu xigmada badan oo Abwaan Afgudhiye AHN qaamuuska suugaanta ku xardhay ama xusuusta uu dunida kaga tagay. Maansada wuxuu si xarago leh talo ugu siinaya Madaxwayne uu xasuusinayo xilka saaran, xaalka dalka, xanta iyo sida bulshadu u kala xariirto madaxwaynaha. 
#Aynu_Faataxyo

• Nin xil qaaday eed qaadye kaan aayahaw xulannay
• Een xamilka saarnow dadkii xadhigga kuu dhiibtey
• Waxay kugu xantaan inad xigtiyo xayn yar korisaaye
• Inanad gaar cidnaw xanannin bay kugu xariiraane
• Xunxun iyo waxay kugu xantaan gaalo dabo xiine
• Xaafidul Qur'aan diiniyey kugu xariiraane
• Ma xisaabtamey kugu xantaan xaalka jira mooge
• Xeegada nin aad ula socdey kugu xariiraane
• Bilaash xayte waxay kugu xantaan gaabsha xawliga e
• Xawaaraha nin dheeraynayey kugu xariiraane
• Kursi xoog waxay kugu xantaan sheeko xubin weyne
• Nin dadkiisu taajka u xidhey kugu xariiraane
• Xabaal nololiyey kugu xantaan xaaqay aadmiga e
• Xabad nugule xamasta u tudhey kugu xariiraane
• Xulad ololiyey kugu xantaan xaabo baas shida e
• Nabad ku xamde xuuraan nacay kugu xariiraane
• Xagliyiyo waxay kugu xantaan xag u janjeedhaaye
• Inaad eexo xaasha ka tahey kugu xariiraane
• Xuntamiyo waxay kugu xantaan reer u gogol xaadhe
• Nin xiskii qabiil laga xaley kugu xariiraane
• Xodxotiyo waxay kugu xantaan xamar u sii jeede
• Nin xaggaaba daymoonnin bay kugu xariiraane
• Kacaankii waxay kugu xantaan xididdadiisiiy
• Xisbigaa ninkii dumiyey bay kugu xariiraane
• Nin xanaaq dhow bey kugu xantaan on xammilin eede
• Nin xorriyatul qawlka oggol bay kugu xariiraane
• Waxba yaan xujiyo yaab warramin boogo xadantayne
• Xaqiiqdana ka sheekayn haddey niman xali hakayne
• Xog ogaalna waayaha u noqon eedda xaabsadaye
• Xumaan iyo samaan tii u rabo labada xaaloodba
• Xag kastaba masuulka u xorow xiisad baa shidane
• Maxaa xala xarraantoo bulshadu waa xakama goyse?

👉 AHUN: Abwaan Af-gudhiye .
👉 Axmed Siciid Diiriye (Af-gudhiye)

@AbdishakurGande

#Contact:
Abdishakur Gande
Gandeabdishakur@gmail.com
AbdishakurGande@gmail.com
634200882 and 634454882
Borama, Awdal Somaliland.

 

Afgudhiye: Diblomaasigii Gabayga

Ilaahay Naxariistiisa Ha Siiyo.

Soomaalidu Hore Ayay Diblomaasiyadda U Qeexday. Xagga Wax Sheega Iyo Hadalka, Adduunyada In Uunbaa Diblomaasiyiin Ah Oo Hawlaha Qaar Loo Daayaa In Ay Furdaamiso, Soomaalidii Horese Way Wada Ahayd.

Diblomaasiga, Astaamihiisa Waxaa Ka Mid Ah; Waa Qof Hadalka Si Kooban Oo Aad Qaadan Karto Kuu Galiya; Murna Ha Ka Qadhaadhaadee. Miyaanay Soomaalidu Hore U Odhan "Nin Reer U Wayn, Iyo Umuliso Sida Ay Wax U Ogsoon Yihiin Uma Sheegaan".

Isagoo Ku Qasban In Uu Ku Yidhaa "Qof Xun Baad Tahay" Wuxu Ka Dooranayaa In Uu Ku Yidhaa "Ma Fiicnid". Imika Afkii Magaalooyinkaaba Ina Soo Galay oo, Markan Oo Kale "Waad Fiican Tahay" Baa Lagu Odhanaya, Marka Karkaarka Lagu Waydaarinayo.

Hadaba, Waxa Aan Aad Ula Yaabaa, Maanso Kooban Oo Uu Abwaan Afgudhiye Uu Kula Hadlay Askari Ay Ilma Adeer Ahaayeen, Balse Awood Badnaa. Waa Nin Uu Hore U Yar Tuurtuuryeeyey Ayuu Haddana Ka Dhaadhicinayaa In Waxa Ka Soo Gaadhay Aanu Cay U Arkine Uu U Fahmo Run Iyo Astaamo Jira Oo Uu Leeyahay;

Waxaa Ka Mid Ahaa;

 

"Kuma Odhan Abaan Reer Ahiyo Waa Aw-qabiili Ahe - Waxaan Idhi Intooduu Og Yahay Waana Ururshaa"

Soomaalidu Marka Aad Eegto Dabeecado Ay Ku Kala Duwan Yihiin Baa Jira; Waa Inta Aan Ka Arkay Woqooyi Iyo Koonfur; Reer Woqooyigu Runta Ma Diido, Caydase Ma Qaato. Reer Koonfurkuse, Cayda Wuu Karaa, Runtase Ma Yeelo.

Koonfur Qofka Aad Ku Tidhaahdid Qabiili Baad Tahay Waad Is Dilaysaan. Woqooyigase Waaba Amaanba. Wuxuuba Leeyahay "Kuwanaan U Noolahay". Hadda Kan Koonfureed Isagaaba Qabiilisan.

Haddaba Warkani In Uu War Abwaan Yahay Waxa Aad Ku Garanaysaa; Qodobkan Midkoodna Ma Diidi Karo. Diblamaasiyadaaba Ah 'dal Aanad Lahayn Aad Oo Dan Aad Leedahay Ka Soo Fusho, Adigoon Cidna Danqaro Gaadhsiinin" Tani Waa Runtii Oo Laakiin Aad U Edeb Badan! That's Exactly Diplomacy.

Wuu Sii Waday; Wuxuu Haddana Yidhi;

Kuma Odhan Bakhayl Oodaniyo Waa Alleel Madhane - Waxaan Idhi Ujeedo Is-tusuu Ku Adin Fiiqaaye.

Kuma Odhan Indheer Garataduu Ka Ag Fogaadaaye - Waxaan Idhi Aqoon Liituhuu Oday Ka Yeeshaaye.

Kuma Odhanin Uus Aaste Iyo Wa Ugaadhsadae
Waxaan Idhi Ninkaan Ka Indha Rogan Iilka Laga Dhawrye.

'waa Lagaa Baqaa', Ma Amaan Baa Mise Waa Cay? Waa Hadba Sida Uu Ka Dhigto. 'waxbaad Laysaa' Se Waxa Ay Tahay Waala Yaqaannaa.

Kuma Odhanin Iimaha Kuyaal Waa Intaa Tiro E
Waxan Idhi Sidaan Kuu Aqaan Uun Ku Kuu Baray.

 

Qof Khiyaamoole Ah Ama Tuug Ah, Oo Muaamarado Badan Sameeyey, In Aad Waxaas Baad Samaysay Aad Ku Tidhaa Waxaa Kaga Daran In Aad "Waan Ku Ogahay" Ama "Wax Walba Waan Ogahay" Aad Ku Tidhaa. Hal Xabaad Ogayde, Markaasuu Sagaashan Iyo Sagaashankii Uu Sameeyeyba Mid Walba Halkeeda Ku Xusuusan. Hadda Waanad Asturtay.

Ma Dhama Gabayga Iyo Qoraalka Toonna...

#Contact:
Abdishakur Gande
Gandeabdishakur@gmail.com
AbdishakurGande@gmail.com
634200882 and 634454882
Borama, Awdal Somaliland.

 

Abwaan: AXMED SICIID AF-GUDHIYE (AHUN)
Dhaxal suugaaneedkii uu inooga tagey maxaad ka xasuusataa?

Abwaanku waxa uu ahaa webi murtiya intaan abwaan lakulmay ama aan dhegeystay gabayadiisa Ama aan akhriyay suugaantooda badankood abwaanada soomaaliyeed waxaan odhankaraa abwaanku waxa uu ka mid ahaa abwaanada ugu sareeya xaga farshaxanimada suugaanta haddaanu ahayn kan ugu fiican fikir ahaantayda.

Gabayadiisa waxaan sooqaban
MAANSADA: XILKAS oo aan leehay waxbadan ayay dadka ka anfici dhinaca wanaagga.

Dadnimooy xanli,idiyo
Xayaatada libteediyo
Xaq dhawriyo karaamiyo
In lagaa xishoodiyo
Adoo raba xurmiyo sharaf
Xeel-xeeli ha ahaan

Xalli, waali ha usocon
Aduunyada ha xayn rogin
Ha jeclaan xod,xodehee
Ha ka tagin xaragadee
Kula soco si xeel-dheer

Waa xeersi nolashuye
Xaga hoose ha u dagin
Xawliga ha dheerayn
Xawaaraha ha gaabnayn
Xadi socod ha moogaan

Xirfad maaha beentuye
Afku yaanu kaa xadin
Xaqiiqada ha gees marin
Xaqa adiga oo garan
Xag aad eegtay ha u duwin

Ninka ragga ha xaasin
Hana noqon xamaalkii
Xayn,daabka ha ugalin
Ka digtoon xakamihii
Ha tixgalinin xeerkii
Hadaan taadu ku xidhnayn

Waa xaal aduunyoo
Ma xulaanji waydee
Marka la is xasaraday
Hadalada xasuusta leh
Si xumaana ha u odhan

Hadii lagu xilsaaro
Wax yaqaan kaguu xulo
Lagu moodo xamil qaad
Xandharshaa la,eedoo
Hadba gacan xaraystiyo
Bilaash xayte ha,ahaan

Xurguf nimaad lahaydeen
Ku xumeeyay waa hore
Rar,ran xabadka kuu dhigay
Bartuu xooga kulahaa

Haday dani ka xuurtoo
Nabsi xuurto galiyuu
Goldahaaga ku xidh,xidho

Ha xusuusan waayo
Haka xiganin tiisee
Burcad ugu xideeyoo
La xabiib ha yaabee

Marka xulufo xulufiyo
Xer,xer loo qo,qoban yahay
Xaaquhu gantaaliyo
Xabad iyo rasaasiyo
Qolxad la isku xaabshiyo
Xoog kaliya maa,hee
La xarbiga garaadkaa
Naf lajaro ka xeel dheer

Hadaad tahay xad gudub diid
Dadka bari xasaasiga
Ka xanuunsan foolxumo
Ha ahaan xin,jirro leef

----
AHN Abwaan AF-GUDHIYE

Toban bay SNM noola timi midina toosnayne.

1. In soomaliweyn laga tagoo xabashi taageerno.
2. Inaa dawlad aan tamar lahayn calanka loo taago.
3. Inaan talo la kala qaadan oo layska taba'leeyo.
4. Inaan qolo tolnimadii ka madhan tabacno beerteeda.
5. Marka shay la kala taban inaan xeerka lagu tiirsan.
6. Tabta dumar in loo wada tirsado taniyo teeray xun.
7. In aan ruuxa diinta aan ku tuman gaalada u tebinno.
8. In siyaasad loo taba-barrayn lagu tilmaannaado.
9. In tagtadii turxaan iyo samaan layska wada tuuro.
10. Timaaddadana aan loo ballamin ta an ka yeelayno.
---------

HEESTA WAA RAG Abwaan AFGUDHIYE AUN

Waxa Raanta Loo Feedhayaa Waa Rag
Waxa Cadarka La Isigu Rushaa Waa Rag.
Waxa Fiidka Loo Roorayaa Waa Rag.

Waxa Dunida Roorkaa Ku Ridi Waa Rag
Waxa Rogaya Reeraha Bur Burin Waa Rag
Waxa Raranka Nala Doonayaa Waa Rag.

Waxa Raaxa Loo Diidayaa Waa Rag
Waxa Rubida La Guranayaa Waa Rag
Waxa Raasamaalki La Cuni Waa Rag.

Dadka Waxa Rafaadka Ugu Wacan Waa Rag
Waxa Nolosha Bilicdii Ka Raray Waa Rag
Xaqidiyo Runtii Waxa Ka Fogi Waa Rag.

Rabbigeen Kuwuu Taliya Yiri Waa Rag
Kuwa Nabbadda Lagu Reeya Hela Waa Rag
Kuwa Raarka Looga Hanjabaa Waa Rag.

Kuwa Quruxda Nagu Raacayaa Waa Rag
Markaan Raawisnana Naga Ordaa Waa Rag
Rasmi Iyo Kuwan Aayatiin Rabin Waa Rag.

------
Abwaab Afgudhiye AHN ( maansada siyaasi)

Sahankaagu waa damac
Socodkaagu waa wagad
Sumcadaadu waa godob
Sumadaadu waa dhagar
Sahaydaadu waa boob
Soortaadu waa dhiig
Sooyaalkaagu waa eed
Sanqadhaadu waa collow
Sowdkaagu waa been
Salaantaadu wa dagid
Show siyaasi baad tahay

 

#Contact:
Abdishakur Gande
Gandeabdishakur@gmail.com
AbdishakurGande@gmail.com
634200882 and 634454882
Borama, Awdal Somaliland.

-----------

Abwaan Afgudhiye AHN Iyo Xaalada maanta

Yay noqonin baahidu
Baqay oo anaa riday
Baga iyo ku faan faan
Baacso iyo tafiirgoo

Ha ahaato baahidu
kas basaasay subagii
Biixi jabay kab-kabidii
Han bukooday baantii
Bulsho liicday kicinteed

----------
Aheey oohadiyo yeedhka
Ayaamaha sheekadooda
wakhtiga ifafaalihiisa
Jawiga saadaasha aawan
Falagga soo eeddankiisa
Nawriiskan abbaaninaaya
Markuu alfiyada ka faalshay
Minka u hadhay abasadiisa
Abraarada bootintiisa
Ishiisu dhankey u jeeddo
Itaalka waxyeelladiisa
Halkey eebadiisu gaadhi,

Igadhkuu ii moolisaayo
Halkuu isirkii ka joogo
Awrkii lagu daray kaliisha
Aroorta dhankey u sooftay
Intey geedaha ka daaqday
Waxay ummushee dhasheeda
Wuxuu gorofka ugu uumiyey
Haaneedka dhankuu ka aaday
Ibteeda wuxuu ka dhiijey
markii aan ogaani waayey,

Dantayda anoo asiib leh
Anoo arammiga dawee leh
Anoo uqdad iyo nac maydh leh
Abaar iyo omos basaasan
Anoo oommane ka guur leh
Anoo arad doog leh gaadh leh
Anoo bulshada u adeeg leh
Anoo abshir iyo barwaaqo
Aqoonta ku caano sii leh
Waxaan ka addaadurreeyey
Waddada eedaad habowga
Dhurwaaga ardaa dhiggiisa
Tusmada aburka iyo goodka
Ilkaha aarkiyo shabeelka
Abeesada xaadhinteeda
Iteyse halkuu ku naaxee
Abaaleys sharaf ku yeesho,

Anoo arxandaadiskayga
La yaabban ayuuska baaqday
Abbaaraha iga barriiqday
Waxaa oli (kiish) iiga yeeray
Duqii oday biiqayoo leh;
Wuxuu yidhi ina ragoow wa'......la soco

AUN Abwaan Af-gudhiye

 

#Contact:
Abdishakur Gande
Gandeabdishakur@gmail.com
AbdishakurGande@gmail.com
634200882 and 634454882
Borama, Awdal Somaliland.

 

Abwaan Afgudhiye AHN

Ninka kaa gammaan fiican
Socodkana hortaa guuray
Inaad gaadho doonaynin
Gun-gunaafka raadkiisa
Intaad daba guclaynayso
Gudbi maysid waligaaye
Halka uu ka gaylaafay
Ka gayooday reerkiisu
In aad garab martaa fiican

------------------------

Abwaan Afgudhiye AHN
(Maansada Gogol Duub)

Gar markhaatigeed weecday
Guddideed la laaluushey
Gubbo loogu roonaaday
Hebel gacanta loo laabay
Gaws xishooday ka arrimiyey
Gaashaan ku jiid hoorshay
Marka uu go’aankeedu
Dad aan galabsan ceebeeyo
Dhaleecadana guud saaro
Gurruskaa humba-humbaysan

--------------------

Waxay ahayd maalin lagu doodayay Udub iyo Kulmiye abwaan Afgudhiye AHUN wuxuu ku jawaabay tixdan ilaa lagu yidhi halkaa ha dhaafin

Kulmiyoow basaasane markii borotan qiimayna
Udubtii dhaliilaha badnayd la isku kiin bixiyay

Barbaraad dhacdeen boobka iyo been-adeegsiga
Bakhaylnimada iyo kali cunkana waad ka badiseen

Barbaraad dhacdeen balo-shidkiyo dhiig banaysiga
Sharci burinta iyo eexdana waad ka badiseen

Xumaan reebka kuma kala baxdaan buuga ceebaha e
U badheedhka iyo maqaar sidkana waad ka badiseen

Bad kiraynta kuma kala dhacdaan bi'inta khayraade
Bilaad iibintiyo dib u baxana waad ka badiseen

Xaq ka baydhka kama liidataan badhaxa diimeede
Bidcanimada iyo laaxinkana waad ka badiseen

Bilad baad ku wada haysataan gaal u beeraqa'e
Baahiyaha loo sii qabana waad ka badiseen

----------

Maanta waa ayaan
Idi diilo badan
Waana maalin adag
Maanta waa ayaan
Nin aqoon yaroo
Caqli gaaban uu
Na arooriyaa
Wayna tahay ayaan
Nin ujeedo fogi
Usha qabani karo

Abwan Axmed siciid diiriye Afgudhiye

------------

Fadlan wixii suugaan aad Abwaanka kahayso ciwaanada igula wadaag.
.-- Mahadsanid --

Abdishakur Gande

#Contact:
Abdishakur Gande
Gandeabdishakur@gmail.com
AbdishakurGande@gmail.com
634200882 and 634454882
Borama, Awdal Somaliland.


Comments

Popular posts from this blog

Hadaad waalidka kudhalay umahad celin lahyd side ugu mahad niqi lahayd? Q: Abdishakur Gande

Xilku Waa Fursad Qofku Ku Hirgasho Hiigsiga Umaddeed Ee U Baahan Igmasho Doorasho. Q: Abdishakur Gande

Shakhsiyada Iyo Masuuliyada. Q: Abdishakur Gande