Qiso. Abdishakur Gande

 


Ma garanayo sababta iyo nooca aan Ingiriiska ku imi. Balse waxa aan jooga London. Gaar ahaan xaafad aad moodo in dadka dabaqada sare ahi ay ku nool yihiin meeshuu waa meel beer ah oo dad ay qaninimadu ka muuqataa fadhiyaan. Dadkaa waxa kasoo hor jeeday ilaa afar qof oo iyagana uu ka dambeeyo qasri aan ku qiyaasay in uu yahay guriga England ugu quruxda badan misana ugu qaalisan. Waxaan hore ugu socday gudaha beerta ay dadku fadhiyaan labiska aan xidhanahay waa labiskaygii hargaysa waxa aan taa ku ogaaday markii aan maqlay nin gacanta taagaya oo leh "shan iyo sodon Milyan" madaxa ayaa ruxay mise cabaar ilaa daqiiqad gudaheed ah mid kalaa leh "Shan iyo afartan Milyan"!!! Cajiib. 

Aniga waxa igalay xishood ninkaygan rajada nolasha cusub ee uu soogalay mooyee aan taanada hayn ee waxan oo lacag ah maqlaya. Waxaan si dhakhso ah isku waydiiyay waxa meesha kajira waxaan ogaaday in meesha lagu naadinayo ama lagu iibinayo gurigan Xoogaa kabacdi waxaan arkay askar dhankayga usoo socota oo rabta in ay goobta iga saarto. Walow aan ka xishoonayo goobta aan joogay hadana waxaan jeclaystay in aan goobta kusii nagaado si ay taasi u suuragasho waxaan si dhiiranaan iyo xarago leh ugu hortagay askartii oo kasoo socota xaga uu beecu ka socdo. Inta aan gacanta taagay ayaa si kalsooni leh u idhi "Lixdan Milyan" waxa la aamusnaaday ilaa sadex daqiiqo kadib garsoorihii beeca naadinayay ayaa markaa ku dhawaaqay iibka gurigii halkaa ayuu ku xidhan yahay. Halkii aan ka farxi lahaa ayaa ka naxay ilayn waxa la iga rabaa lixdan milyan'ee. Waxaan markale go'aansaday in aan idhaahdo ii sheega meel aan sadex maalmood gudahood aan lacagta ku hagaajiyo oon kusoo diro.  Dadku aadbay ii eegayaa gaar ahaan ninka naadinaya guriga iibka ah ana indha adaygaygii baa mar kale ku idhi haka fikirin waxa aad ka fakarayso balse go'aan qaado xataa haduu mid adag yahay. Ugu dambayn waxaan hantay iibka guriga iyo kalsoonida dadka.

Waxa yaab ka taagan yahay ama aan ka baqayaa halka aan lacagta ka keenayo balse wixii halkaa ka waxa aan aamin sanahay in aan gurigaa iyo ka badan garaadkayga iyo caqligayga fiican aan ku qaadan karo. Walow hadii la ii fiirsado la arki karo lana dareemi karo gariirka lugahayga ka muuqda iyo cabsida aan gudaha ka dareemayo.

Habeenkii xalay ahaa ma seexan oo waxa aan ka fikirayay sidii aan isku furdaamin lahaa Dhanka kale waxaan dejinayay qorshihii aan ku hanan lahaa gurigaa oo aad moodo in aan damacsanahay, waaban damacsnahaye.

Waxaan saaka go'aan ku qaatay in aan tego iridaha maal-qabeenada. Waanan tagay waxaanan u ban dhigay in aan diyaar u ahay in aan gurigaa ku wareejiyo. Nasiib wanaag albaabkii labaad ee aan hor tagay ayaa ku qancay arintaydaa oo diyaar u noqday in uu lixdankaa milyan uu bixiyo oo aan milkiyadda gurigaa ku wareejiyo balse waxa aanu isku diidnay in uu boqol Milyan bixiyo ana waan kasoo dhaqaajiyay goobtaa. Balse waxa arintaa igu diiday Sharif Mohamed  iyo Maidhane Hasan Maidhane  oo banaanka igu sugay oo subaxnimadii isoo galbiyay. Shariif ayaa si canaan leh igu yidhi naftaada ayaanu furanaynaa oo xal u raadinaynaa adiguna macaash ayaad raadinaysaa qaar nagala tag waalida aad Hargaysa kala timi aanu kaa shaqaysanee. Dhanka kale waxa si degan iila hadlay Maydhane oo aad dareenayso in uu cadhada uu ii hayo qarsanayo wuxuu ii sheegay in aanay arintaasi suuragalayn.

 Si kaste ha ahaatee, waxaan usoo jeediyay in uu maalqabeenka ku laabto oo uu kusoo qanciyo sideetan milyan isna taa wuu iga diidday laakiin inta aan ina marsha aan idhi ayaa markale ula tagay ninkii maal qabeenka ahaa waxaanan ka codsaday in uu wakhti yar isiiyo, isna hore ayuu ka ogolaaday halkaa waxa aan ka dareemay in uu rajaynayay in aan markale kusoo laabto.

Waanu fadhiisanay hadalka waxa aan ku bilaabay "Waxa aan isku dayayaa in aan wakhtigaaga dhawro, sidoo kale waxa aan kaa codsanayaa in aaad wakhtigayaga dhawrto waayo wakhtiga ayaa lacagta iyo guriga nooga qaalisan, Sidaa darteed guriga waxa aan ku rabaa Sideetan Milyan". Sheeko iyo gorgortan badan kabacdi waanu isla qaadanay. Waxaanu noo sheegay in uu hada jeega diyaar la yahay isaga ok ma waydiinaya in ay diyaar tahay mulkiyadii gurigu haa ayaa idhi. Balse waxa aan ka codsaday in uu jeega labo nooga dhigo si mid Labaatan Milyan ah iyo mid Lixdan Milyan ah oo aan ugu talo galay iibka guriga aan indha adayga iyo kalsoonida aan ku iibsaday. Waanu nooga kala dhigay labadaa Jeeg. Ugu dambayn waxa aanu tegnay maxkamadii lanagu balamiyay ee aan lacagta aan ku bixinayay oo ku taalay West London. Waanan bixinay waanan la wareegay mulkiyadii oo ilaa xaga Dawlada Hoose lagasoo dhamays tiray. Ana isla goobtii ayaa gurigaa ugu wareejiyay Kerry Mack oo aan Sideetan Milyan ka siiyay gurigii xaraashka. Waxaanan macaashay lacag Labaatan Milyan ah. Bari ayaanu ku balansanahay Dawlada Hoose ee waaxda uu gurigayga aan iibiyay ka dhisan yahay. Si'aan guriga ugu wareejiyo mulkiilaha cusub ee aan ka iibiyay.

Waxa aan Shariif iyo Maydhane waydiiyay in ay caqli xumo iga ahayd in aan arintan galaa, aniga oo naftayda waydiinaya sidan ma waxaad ugu badjeedhay maskax aad isku tuhmaysay?

Abdishakur Gande

FG: Mihnada qoraalka aad ayaa ujeclahay sidaa darteed, maadaama oo aanan mudo wax qorin waa mid aan ku ilaalinayay xifada qorista taa oo aan ku mala awaalayay manaam aan xalay galay. Mahadsanidiin. 

Abdishakur Gande 

Mr. Abdishakur Gande

Comments

Popular posts from this blog

Hadaad waalidka kudhalay umahad celin lahyd side ugu mahad niqi lahayd? Q: Abdishakur Gande

Xilku Waa Fursad Qofku Ku Hirgasho Hiigsiga Umaddeed Ee U Baahan Igmasho Doorasho. Q: Abdishakur Gande

Shakhsiyada Iyo Masuuliyada. Q: Abdishakur Gande