Dadka aan hareertaada taagnayn ama aydaan ka sinayn heerka garashada iyo hiigsiga heegada sare ma arki karaan waxa adiga kuu muuqda iyo halka aad u socoto, taasina waxa xukuma heerarka kala saraynta garashooyinka iyo kala horumarsanaanta hadba halka aad kala joogtaa.

Halbeegyada garashada dadka ayaa waxa kamid ah in ay dadku hoos u dhac iyo haacoo kuu arkaa xiliyada aad ku jirto halganka nolasha iyo xeeladaha horumarkaaga.

xaqiiqadu waxay ku faraysaa in aad isbedel samayso, xataa hadaanay dadku ku qanacsanayn waxa aad doonayso, ilaa aad ka xaqiijiso rabitaankaaga. Dadku waxay noqon doonaan kuwo ka marag kaca halgankaagii iyo goobjoogayaasha guushaada u sacabo tuma. Nolasha in aad meel uun ku nagaataa maaha guul xataa haddii aad ku haysato sharaf, maal IWM. Waayo waxa ka mudan ama ka wacan in aad meeshaa ka tagto adiga oo raadinaya ama doonaya in aad meesha meel ka saraysa gaadho. Taasi waa hilinada dadka guusha haybsadaa ay heegada ku gaadhaan. Waayo horumarka ayaaba ah talaabo hore aad u qaado. Taasi waxay kaaga baahan tahay karti iyo samir aad ugu adkaysan karto ku nagaasha meelaha aan munaasibka ahayn ee aad ku hakanayso xiliyada gaabka aad ugu jirto ka midho dhalinta doonista dhabta ah. Xiliyada gaabka ah ee aad geediga ugu jirto rumaynta hiigsigaaga waxa kusoo wajahaya caqabado badi kaaga imanaya dadka kale ee aanay u muuqan waxaad adigu doonayso. Waayo iyagu ma arki karaan ama humaag bay la tahay aanay xaqiijin karin hirarka dhaadheer adiga kuu muuqda balse waxa iyaga u muuqda uun hadba halka aad adigu taagan tahay. Mana garan karaan sababta ama ujeedada siyaasadeed ee aad adigu hoos uga soodagayso figtii sare ee aad saarnayd laakiin waxay garan karaan in aad talaabo ama masaafo aad dib usoo baxday taasi waxa xukuma  halbeega caqliyada dadka ee kala sareeya. Markasta oo aad gudbayso waa adiga oo meel ka boodaya oo kale, marka aad boodaysana dib u gurashada iyo u diyaar garowgu waa xeeladaha helida tamarta aad ku boodayso. Ma aha in aad marwalba dib usoo noqoto si'aad u gudubto balse waa in aad lahaato hore u socod iyo hiigsi le qorshayaal & dhabootin guusha kugu haga. Dadka aan maanta heerkaaga ku qanacsanayn waa markhaatiyada halgankaaga.

In aad meel ka tagtaa ma aha hoos udhac ilaa aad adigu doonayn meel ka saraysa mooyee. Dhanka kale, waa fursad aad ku gaadhi karto meel ka saraysa oo aanad gaadheen hadii aad halkaa joogi lahayd.

Abdishakur Gande.


Comments

Popular posts from this blog

Hadaad waalidka kudhalay umahad celin lahyd side ugu mahad niqi lahayd? Q: Abdishakur Gande

Xilku Waa Fursad Qofku Ku Hirgasho Hiigsiga Umaddeed Ee U Baahan Igmasho Doorasho. Q: Abdishakur Gande

Shakhsiyada Iyo Masuuliyada. Q: Abdishakur Gande